JIGJIGA (SRTVLIVE) 26/01/2019
Xogta dhabta ah ee soo gaadhay warbaahinta DDS ee ku saambasan kulankii dhaxmaray ra’iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha dawlad deegaanka Somalida iyo Gudoomiyaha XDSHSI ahna wasiirka maaliyada iyo iskaashiga caalamiga mudane Axmed shide Maxamed
Nuxurka Wadahadlka
Ra’iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku canaantay labada masuul Madaxweynaha DDS Mustafe iyo Gudoomiyaha XDSHSI Axmed
ra’iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa yiri ma jiri doonto masuul kaligii awood sheegan karo wuxuu kaloo hadalka ku daray madaxweynaha DDS ma farogalinkaro arrimaha Xisbiga. Gudoomiyaha Xisbiga Ma faragalinkaro Arrimaha awooda u leh Madxweynaha kabineedkiisa
Madaxweynaha DDS Mustafe ayaa ku qancay hadalka RW Abiye oo ahaa xubnihii hore ee ka tirsanaa xukuumaddii hore ee aan dambiga galin in ay kamid noqon karaan xisbiga DDS ra’iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa yiri anba waxaan la soo shaqeeyay xukuumadii hore somalida waxaa laga helayaa xubno firfircon oo qibrad leh caqabadaha taagan looga gudbikaro aqoontooda
Ugu Dambeyntii, Ra’iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ballan qaaday in deegaanka somalida aysan markale aysan ka dhici doonin awood isku sheegasho masuulkasta shaqada uu hayo lagula xisaabtami doono masuulkasta shaqadiisa lagula xisaabtamo
addisababa srtvjigjiga@gamil.com